Type Here to Get Search Results !

The 4 Best Sites for Safe Android APK Downloads

hadii aad ubaahan tahay appska telefoonada androidka ah ee aan ku jirin google playstore, halkan kala dag dhamaan appska telefoonada androidka ah oo nadiif ah.

 



mararka qaar appka ama appska aad ubaahan tahay inaad telefoonkaga ku adeegsato marka aad ka raadiso google playstore waad ka waayaysa, waxa jira apps badan oo muhiima balse aan ku jirin google playstore sababo badanba awgood, waxa jira sababo badan oo keena in appska qaar aanay ku jirin google playstore balse maqaalkan waxa aad kaga boganaysa 4 website ee ugu wanaagsan ee aad ka dagsan karto appska telefoonada androidka ah oo nadiif ah original( waxba aan laga badalin) ah 

 kaliya appska ku jira google playstore maaha appska aad ku shubi kartid telefoonkaga, waxa aad ka dagsan karta appka aad rabto meel ka baxsan google playstore kadibna telefoonkaga waad ku install garayn karta isago appku ah .APK qaabka loogu shubayana la yidhaahdo sideload. 


 waxa jira websiteyo badan oo aad ka dagsan karto appska telefoonada androidka ah kuwa kujira playstore iyo kuwa aan ku jirin, balse websiteyadaasi waa ay kala wanaagsan yihiin sido kale qaar kamida websiteyadaas laguma kalsoona appksa aad kala dagaysa in ay nadiif yihiin, balse maqaalkan waxa aanu kugu so xulnay 4 website ee ugu wanaagsan ee ad ka dagsan karto appska telefoonada android, si aad websiteyada uga faaidaysato sii akhir maqaalka. 

 

Muhiimada Ay Leedahay Inaad App Nadiif Ah Ku Shubto Telefoonkaga 

  .APK waa waa formatka ama nooca ay yihiin appska telefoonada androidka ah marka loogu talo galay in lagu shubo telefoonkaga APK waxa looso gaabiyay (android package kit) waana qaabka saxda ah ee appksa telefoonada androidka ah yihiin marka ay ku shubmayaan telefoonkaga. 

 marka aad app kala dagayso google playstore appku waa APK balse inta lagu shubayo telefoonka arki maysid adigu appka oo waxa uu ka shaqaynaya qaybta dambe ee systemka telefoonka. 

 waxa midaas lamida marka aad app .apk ah  aad ku shubayso telefoonkaga waxa aad arki karaysa appki adiga ayaana ku shubaya, hadaba mararka qaar waxa dhacda appka .apk ah inay dad inta ay wax ka badalaan virus ka dhigaan, taas oo kugu keeni karta inaad virus telefoonkaga ku shubto hadii app .apk ah aad meel aanad garanayn aad kala dagtay aad telefoonkaga ku shubto, taasa muhiim ka dhigaysa inaad inta badan appka .apk ah kala dagto website ama meel aad garanayso ama aad ku kalsoon taha.

 


 

1. APKMirror

 


APKMirror waxay u badan tahay inuu yahay websiteka ugu fiican ee appska APK ee telefoonada android laga soo dejisto. websitekan waxa iska leh oo maamula isla kooxdii samaysay websiteka wararka telefoonada Android ah lagu soo qoro ee sida weyn loo akhriyo, magaciisana la yidhaahdo Android Police, waxaana midaasi kuu xaqiijinaysa in yihiin website lagu kalsoon yahay


websitekan kasoo heli maysid appka androidka ah ee wax laga badalay sida kuwa moddedka ah ee iyago iib ah inta wax laga badaly aad si free ah ku helaysid, waxa intaas dheer waxa aad ka helaysa dhowr version oo app kasta oo aad rabto ah midka aad rabtana adigu aad dooranayso la dagaysana. 


2. APKPure


websiteka 2aad ahna la tartamaha ugu wayn ee websiteka hore ee aynu soo aragnay waa websiteka apkpure, labada website waqti isku dhaw ayaa ay soo galeen internetka, sida websiteka hore ayaa websitekana mid ka mida waxyaabaha uu muhiimada saara tahay inuu hubiyo appska inta aan lasoo galin websitekooda inay yihiin secure ama amaan.

 websitekan inta aan appska lasoo galin ayaa la hubiyaa in appku nadiif yahay iyo in aan waxba laga badalin, waxa ay appka eegan in uu wato digital signitureka qofki soo dhigay appka, sido kale waxa ay eegan in versionka kala duwan ee appksu ay isku signiture lee yihiin, waxa uu isticmaala cryptographic la ydihaahdo sha1 oo uu ku xaqiijinayo certivicateka appku inay tahay mid sax ah oo jirta.


 si lamida sidii websiteka hore websitekan isagana ka heli maysid wax ah oo wax laga badaly sida kuwa modedka ah iyo kuwa iibka ah ee inta wax laga badalay freega aad ku adeegsanaysoba.

 

3. APK Downloader


Waxa runti mudan inaad adeegsato websiteyada APKMirror iyo APKPure Run ahaantii, waa inaadan waligaa website kale kala dagin appska, mana jirto sabab aad website kale ugala dagto appska. balse aan waa ay iska fiican tahay inaynu wadaagno websiteyo kale oo ku dhawdhaw kuuna noqon kara ikhtiyaar kale hadiiba ay wax isabadalaan mustaqbalka.


websitekan waxa ku jira appksa google playstore ku jira oo aan waxba laga badalin sidi google playstore looga soo saaray, waxaana aad websitekan uga maarmi karta google playstore, waxaana aad ka helaysa xog badan oo appska ku saabsan websitekan oo aanad ka helayn google playstore marka aad appka kala dagayso.

 

4. Aptoide

 


Aptoide waa website kale oo weyn oo ka mid ah websiteyada laga soo dajiyo appksa APK ah,  waxay uu leeyahay in ka badan 200 milyan oo isticmaale webistekani waxa laga sameeyay websitekan gudihiisa  lix bilyan oo apps dajin ah. Sida APKPure, websiteku waxa aad ka helaysa Android APK, kuwaas oo aad si toosa ah uga soo dajisan karto sida websiteyadi hore.


sababta aan websitekani liiska appska uga soo galin kaalinta hore ama ta labaad waa in websitekan ay ku jiraan appska wax laga badalay sida kuwa moddedka ah oo kale, taasina keenayso marka aad appska ka dagsanayso inaad si khaldan laga yaabo inaad uga dagsan karto app moded ah adigo rabay inaad dagsato app aan waxba laga badalin, balse hadii moded appska aad rabto ama aanad danaynyn midaas waad adeegsan karta

Samee Taxadir Dheerada Marka Aad Appska Ku Shubayso Telefoonkaga

marka aad dagsanayso app .apk ah ka hor inta aanad telefoonkaga ku shubin waxa muhiima inaad taxadir samayso meel kasta oo aad ka dagsanayso ama website kasta oo aad ka dagsanaysoba, waxaana ad adeegsan karta aalado dhowra oo kaa caawinaya inaad ogaato in uu appku yahay virus ama malware, waxaana kamida 2 aaladodo oo aad ku scan garayn karto appka ka hor inta aanad ku shubin telefoonkaga, waxaana lakala yidhaahda 2 aaladodo mida 1aad virustotal mida 2aadna metadefender