Type Here to Get Search Results !

What Is Rooting? What Are Custom ROMs? Learn More About Android


 marar badan marka aad akhriyayso maqaalada ku saabsan telefoonada android ama aad baadhayso xalka cilad kamida ciladaha telefoonada androidka ah waxa jira ereyo badan oo aad la kulmayso oo ay ka mid yihiin Root iyo Custom Rom. hadaba qormadaan waxa aan kuugu iftiimin doona waxa ay root iyo Custom room yihiin.

What is rooting?.

rootku micnaheedu waxa weeye inaad awood ama ogolaanshiyo uhesho filesha systemka androidka ah ee telefoonkaga. telefoonada androidka ah marka hore ee ay cusub yihiin iyago rooted ah ma yimaadan. waxa ay yimaadan 99% iyago aan root garaysanyn ama aanad filesha systemka android ee telefoonka ku jira aanad arki karin.

 

sababta ay telefoonada android ka ah ugu yimaadan iyago aan root garaysnayn waxa weeye hadii shikradaha sameeya telefoonadu ogolaanshiyo siiyan ah inuu arki karo ama wax ka badalo filesha systemka andriodka ah qofkasta oo telefoonkoda adeegsada in ay ka iman karto khataro iyo cilado badan.

hadii telefoonka androidka ah root garaysan yahay micnaheedu waxa weeye in wax laga badali karo filesha systemka androidka ah ee telefoonka ku jira ama telefoonka kaba shaqaysiinaya, hadii si khaldan fileshaas wax looga badalana waxa ay ku keenaysa telefoonka inuu joojiyo shaqada ama telefoonkas uu noqdo mid aan dib lo adeegsan karinba.

waxa taas barbar socota hadii telefoonka androidka ah uu root garaysan yahay in telefoonka looga faaidaysan karo waxyaabo aan marka hore ee aanu root garaysnayn looga faaidaysan karin, hadii se weeye qaabka looga faaidaysanaayo aad garanayso, taasina waa sababta ay dad badan u root gareeyan telefoonkoda si ay uga faaidaystaan featureska ama farsamooyinka uu rootku u ogolaanayo inay uga faaidaystaan telefoonkoda.


 

hadaba sida loo root gareeyo telefoonadu waa mid ugaar ah telefoon kasta, micnaha telefoon kasta waxa jira qaab gaar ah oo loo root gareeyo, telefoonada qaar sida loo root gareeya aad ayay u adag tahay gaar ahan telefoonada dambe halka telefoonada qaar sida loo root gareeya ay fududahay. waxa muhiimka ah ayaana ah inta badan telefoonada si aad u root garayso waxa aad ubaahan tahay computer aad ku root garayso.


marka aad root garayso telefoonkaga ma jiro wax farqi wayn ah oo telefoonkaga iska badalaaya ama wax isbadal wayn oo la dareemi karo ah oo aad telefoonkaga ku arkayso. faaidooyinka rootku waxa ay noqonayaan waxa aad ku samayn karto telefoonkaga kadib marka aad ku shubto telefoonkaga appska ogolaanshiyaha rootka siiya appska kale ama marka aad ku shubto telefoonkaga custom rom, iwm.

 

waxaana kamida waxyaabaha aad telefoonkaga ku samayn karto marka aad root garayso waxa aad ka saari karaysa telefoonkaga qaar kamida appska la socda telefoonkaga marka uu cusub yahay ee aanad ubaahnayn. sido kale marka aad root garayso telefoonkaga hadii telefoonkaga laga xidhay inuu ku shaqeeyo simcardska kale ama network yada kale, telefoonkaga waad ufuri karaysa. waxa aad ka badali karaysa telefoonkaga nooca systemka androidka ah ee telefoonkaga ku jira, intaas kuma dhama waxa jira waxyaabo badan oo kale oo aad telefoonkaga ku samayn karto.



balse si aad u root garayso telefoonkaga waxa aad ubaahan tahay inaad telefoonkaga aad furto boot loaderkiisa. bootloader waa software telefoonka ku jira kaas oo daarma marka u horaysa ee telefoonka la daaro, hadii aan softwarekaas unlocking lagu samayna lama root garayn karo telefoonka. si aad ufurto telefoonkaga bootloaderkisana waxa aad ubaahan tahay inaad internetka ka baadho qaabka loo furaayo bootloaderka telefoonkaga. adigo nooca uu telefoonkagu yahay iyo modelkida raacinaya unlocing marka aad internetka ka baadhayso.


Waa Maxay Custom ROM?

ROM waxa looso gaabiyay marka hore Read-only Memory balse waa la qalad fahma magacaas marka la joogo telefoonada, sababto ah magacaasi telfoonada ma khuseeyo oo waxa uu khuseeya computerada. ROMka telefoonadu si  fudud waa android systemka telefoonkaga ku jira.


marka aad soo qaadato telefoon xiaomi ah waxa uu umuuqanaya inuu ka duwan yahay telefoonada samsungka ah iyago hadana isla isticmaalaya labadooduba android, sababtu waxa weeye shirkadaha samsung iyo xiaomi iyo shirkadaha kaleba ee telefoonada androidka ah soo saara waxa ay soo qaaten codeka systemka android kadib wax ayay ka yara badbadaleen kadibna sidi ay urabeen ayay ka dhigeen sidaas ayuuna ku noqday ROM ay iyagu leeyihiin. taas micnaheedu waxa weeye shirkada xiaomi ROM keedu waa uu ka duwan yahay ROM ka samsung, iyago labaduba hadana ay isla yihiin android


Custom ROM waxa weeye waa ROM ayna samayn shirkada telefoonkaga soo saartay amaba shirkad kale oo soo saarta telefoonadu, balse waa system uu soo saaray qof kale oo programmer ah ama urur programmers ah kaas oo leh farsamooyin fiican hadii telefoonkagu root garaysan yahayna aad ku shuban karto telefoonkaga.waxaana kamida Custom Romskaas kuwa ugu caansan LineAge OS kaas oo ay sameeyen urur.

marka aad root garayso telefoonkaga waxa aad ku shubi karaysa telefoonkaga Custom ROMka aad rabto kadibna telefoonkaga systemka androidka ah ee ku jira waxa uu noqonaya ROM kas ay sameeyen dadka kale waxaana aad helaysa waxyaabo badan 


waa maxay Brick?

brick ama bricking waa sida micnaha eraygu yahay telefoonkaga oo aan shaqaynayn oo aad brick ku samaysay, waxaana brickingku yimaada marka aad telefoonkaga root garaynayso oo khaladaad kaa dhaco amaba mark aad ku shubayso telefoonkaga Costom Rom.


Sidee ayaan ubilaabi kara inan telefoonka root gareeyo ama aan ku shubo Custom Rom?

inta aanad bilaabin inaad midas samayso waxa muhiima inaad wax badan ka ogaato rootka iyo sida telefoonada androidka ah ushaqeeyan iyo gaar ahaanba telefoonkaga nooca uu yahay, waxaana aad xogtaas ka baadhi karta sida websiteka xda developers 


waxaana jira faaido darooyin uu leeyahay rootku waxana kamida inan qaar kamida appska telefoonadu aanay ku shaqayn telefoon root garaysan sida appska bangiyada lacagta, iyo qaar badan oo kale, balse si guud way wanaagsan tahay inad root garyso telefoonkaga hadii aad garanayso qaabka loo samaynaayo iyo sida looga faaidysto faaidooyinka rootka