Type Here to Get Search Results !

How to Use Messenger Without a Facebook Account

 

waxa jira mararka qaar aad ubaahanayso inaad adeegsato facebook messenger si aad ula xidhiidho asxaabtada iyo familygaga, si lamida adigo aan rabin inaad adeegsato facebook. waxaana kamida sida inaad rabto inad iska joojiso adeegsiga facebook, ama inaad xidho akoonkaga facebookga ah. hadaba si kastaba waxa aad qormadan si faahfaahsan uga bogan doonta sida loo adeegsado facebook messenger facebook account la'aan.


Ku adeegso messenger akoon facebook ah oo la xidhay

ka hor 2019 waxa aad awood ulahayd inaad kaliya telefoon numberkaaga ku adeegsato facebook messenger adigo aan lahayn akoon facebook ah, balse kadib 2019 ilaa hada waxa khasab ah inaad akoon facebook ah leedahay si aad u adeegsato messenger. hadaba si aynu messenger u adeegsano waxa aynu ubaahan nahay inaynu xidhno si kumeel gaadh ah akoonkena facebookga. marka aynu xidhno akoonkena facebookga ah ma jirto cid arki karta akoonkena facebookga ah, fariin inooga soo diri karta, arki karta wixi aynu kuso qori jirnay facebook iyo waxkasta oo la xidhiidha akoonkena.

▶️ sida loo xidho akoonkaga facebookga ah iyo sida lo delete gareeyo: https://youtu.be/K3E0WjZYt00

waxa jiray muuqal aynu hada ka hor ka samaynay sida loo xidho akoon facebook ah, hadii aad isleedahay kaas ayaa kuu fudud riix linkiga sare si aad udaawato muuqalkas, kadibna kuso noqo articleka si aad hore usi socoto, hadii kalena raac articleka si aad midaas usamayso.

 

1: soo fur akoonkaga facebook, kadibna aad qaybta settingka

Delete Facebook on iPhone 1

 

2: kasii dooro setting iyo privacy

3: kasii dooro privacy shortcuts

4: hoos udag kadibna dooro delete your account and information

5: kadib dooro mida sare ee deactivate account 

Delete Facebook 2

 


6: kadib dooro continue with deactivation 

7: ugu danbayn gali passwordkaaga akoonkaga facebook si uu u deactivate garoobo.

intaas ayay ku dhan tahay inaad deactivate garayso ama aad si kumeel gaadh ah uxidho akoonkaga facebook.

si mustaqbalka aad dib ugu hesho akoonkaga ama aad dib ugu furato hadada ubaahato markale uun aad facebook kadibna gali number ama emial iyo passwordki aad ku furi jirtay, intaas kadib akoonkagu waa uu soo noqonaya

 hada waxa aad ubaahan tahay inaad akoonkagas facebookga ah ee aad deactivate garaysay aad ka gasho messengerka. waa uu kuu shaqaynayaa, waxa aad ka xidhay akoonkaga facebookga dhexdiisa balse hadii aad messengerka aado waa uu kuu shaqaynaya oo akoonkan waad ka gali karaysaa.

 

2. hadii aanad hada ka hor adeegsan facebook ama aad si dhamaystiran u delete garaysay akoonkaga facebook, waxa aad samayn kartaa inaad akoon cusub o facebook ah aad ka samaysato applicationka messengerka, kadibna aad xidho akoonkas facebookga ah sidi qaabka hore. si aad midan usamayso waxa aad ubaahan tahay inaad soo furto appka messengerka:

1: dooro create a new account     

2: kadib gali magacaaga doorana next

3: kadib gali passwordka aad rabto inaad ku xidhato akoonkaga facebook doorana signup

  intaas kadib waxa aad samaysan doonta akoonkaga facebookga ah, sido kale akoonkaga messengerka ah maadama akoonka facebook aad sido kale ku adeegsanayso messengerka. hada waxa kuu xigta inaad marto talaabadi hore aynu usoo marnay si aad uxidho akoonkan cusub ee facebookga ah kaliyana ugu adeegsato messengerka.

 waxa muhiima inaadan delete garayn akoonkaga facebookga ah, hadii akoonkaga facebookga ah aad delete garayso kuma adeegsan karti messengerka iyo meel kale toona, kaliya marka aad deactivate garayso akoonkaga ayaad ku adeegsan kartaa messengerka. taas waa muhiim


su'aalo kooban oo ku saabsan articleka

qof aan ka tirsanayn asxaabtaydi facebookgu ma igala soo xidhiidhi karaa messengerka

jawaabtu waa haa, 

dadku ma iga raadin karaan appka messengerka dhexdiisa maadama aan xidhay akoonkayga facebookga

jawaabtu waa haa, waa ay kaa raadin karaan messengerka, balse kaama raadin karaan appka facebookga ah ee caadiga ah, haday kaa raadiyaana kuma helayaan