Type Here to Get Search Results !

Sida Loo Samaysto Domain Free ah iyo Waxkasta oo ku saabsan domainka

 


domain waxa loo yaqaana magaca websiteka lagu booqdo marka internetka la joogo. waana magaca sidan u eeg: https://somalitech0.com. domainku ama magaca websiteka lagu booqdo ee afka qalaad lagu yidhaahdo domainku waa mid kamida waxyaabaha ugu muhiimsan ee aad ubaahan tahay marka aad website cusub ama blog aad abuurayso. waxa jira siyaabo kala duwan oo aad domain ku heli karto, balse sida caadiga ahi si aad u hesho domain waxa inaad iibsato ama aad gadato. balse waxa jira qaabab kale oo ad ku heli karayso domain adigo aan iibsanin ama aan gadanin. 

 

 

qormadeenana waxa aad kaga boganaysa qaabka si free ah loogu helo domain, iyo faaidada iyo faaido darada ay leedahay domainka bilaashka ah ama freega ah. balse ka hor inta aynaan ugudbin midaas waxa muhiima inaynu ogaano:

sababta domainku iibka u yahay?

marka aad domain iibsato micnaheedu waxa weeye adigaa iska leh domain kaas sida alaabaha kale ee aad u iibsato aad uyeelato. waxa domain kaaga lagu diiwan galinaya magacaaga, numberkaaga iyo emailkaaga aad ku gadatay. waxa aad emailkaagas yeelanaysa ilaa waqtiga aad adigu rabto xitaa cimrigaaga oo dhan. si aad usii haysato waqti dheer domainkaaga sanadkasta waxa aad ubaahan tahay inad halmar bixiso lacagta domainkaaga.

 

 

 

hadii domainku free ahaan lahaa dhamaan magacyada wanaagsan ee websiteyada dad ayaa qaadan lahaa si free ah iskana haysan lahaa kuna dooni lahaa lacag badan in lagaga iibsado maadama magucu wanaagsan yahay kaliya iyado ayaga aanu lacag ku joogin. dhanka kale way adkaan lahayd inad hesho magac wanaagsan oo ku haboon gacansigaaga ama websitekaga marka aad website cusub samaysanayso. kuwaas ayaa ah faaidooyinka ugu waawayn ee ay leedahay in domainku iib ahaado.

sidee loo helaa domain free ah?

 


waxa jira companyo dhowra oo bixiya domain bilaash ah, waxa aan uga jeeda domain aanad lacag ka bixinayn balse maaha domain marka hore aad adigu yeelanayso, companyadaas intooda badan waa scam oo maaha inay ku siinayaan domain sax ah balse waxa aynu soo qaadanayna companyga ugu macquulsan qormadeena dhexdeeda inkasta oo aanan ku talinayn inad adeegsado domain free ah. sababtana waad ogaanaysa

sida caadiga ah companyada bixiya domainka freega ah ugu yaraan companyga aynu kusoo qaadanay qormadeenan waxa ay marka hore ku siinayaan domain la yidhaahdo ccTLD. waxa looso gaabiyay (country code top level domain).waxa ay ku siinayaan domain ay udambayso magacyada wadamada oo lasoo gaabiyay sida .tk, .ml, .ga, .cf, .gq. tusaale ahaana sidan: somalitijaabo.tk ama somalitijaabo.ga. magacyadaasi waa magacyo aanad adigu marna hantiyayn sida marka aad iibsato adigu aan uhantiyayso sido kale waxa ay dulsaarayaan shirkadahas xayaysiis websitekaaga oo lacag ayay ka samaynayaan websitekaaga iyo dadka websitekaaga soo booqanaya. 

https://article.somalitech0.com/2022/10/sida-loo-samaysto-domain-free-ah-iyo.html

faaidadi ugu waynayd ee blogaaga kaaga soo noqon lahayd ayaga ka faaidaysanaaya oo websitekaaga lacag ka samaynaaya, waxa intaas dheer haday arkaan in websitekaaga dad fiican soo booqanayan waa ay kaa joojinayaan domainkas freega ah si aad uga iibsato domainkaas, sababto ah domain free ah oo ay iibiyaan ayaa jira. marka ay xayaysiiska ama adska saarayaan websitekaaga waxa ay websitekaaga u eekaysiinayan sida website spam ah oo articleska ku qoran aan la akhrin karin xayaysiis dartiis. taasi waa sababta aanan marnaba ugu talinayn inaad adeegsato domain free ah balse ay tahay inaad u iibsato domain. waxaana jira website qiimo aad raqiis u ah kaaga iibinaya domainka, waana website la yidhaahdo namecheap oo muuqal soo socda aynu ka samayn doono youtubeka ama aynu article ka samayn doono.

sida loo helo domain free ah?



si aad uhesho domain free ah hadii aad ubaahan tahay adigu waxa aad ubaahan tahay inaad aado website la yidhaahdo freenom oo ah websiteka ku siinaya domainka freega ah. mara aad websiteka booqato domainka aad rabto ayaad ka raadinaysa qaybta raadinta ee websiteka adigo raacinaaya mid kamda domainadan: .tk, .ml, .ga, .cf, .gq. sida sawirka hoose kaaga muuqata. 



marka aad raadiso magaca domainka aad rabto adigo raacinaya .tk ama mida kale ee aad rabto waxa kuuso muuqan doona bog umuuqanaya sida sawirka hoose kadibna waxa aad dooranaysa halka ay ku taalo checout

 


marka aad doorato checkout waxa kuuso muuqan doona bog isaguna umuuqanay sida sawirka hoose waxaana aad ubaahan tahay inaad doorato waqtiga ad rabto inad haysato domainkan inta uu leegyahay sida bil, 2 bil, 6, 12 ilaa 24 bilood. waxaana aad dooranaysa qaybta bisha kana dooranaysa bilaha aad adigu rabto kadibna waxa aad dooranaysa continue sida sawirada hoose kaaga muuqanaysa



intaas kadib waxa kuuso muuqan doona bog umuuqanaya sida boga hoose, waxaana aad ubaahan tahay inaad galiso halka ay ku taalo email emailkaaga. waxa fariin email ah loo diraya emailkaga si laguu xaqiijiyo maadama domain lagu siinayo. marka aad emailkaaga galisona dooro countinue




kadib aad emailkaga, kadibna fur fariinta emailka ah ee ay kuuso diraan freenom, kadibna fur linkiga ku jira fariintas. linkigaas ayaa ku xaqiijinaya e




marka ad furto linkigas waxa kuuso baxaaya bog aad galinayso macluumadka lagu diiwan galinaayo domainkaaga lagu siinayo iyo sido kale akoonka aad ku yeelanayso websitekaba. waxaana aad ubaahan tahay inad macluumadkas buuxiso sida kaaga muuqanaysa sawirada hoose.






intaas kadib orderkaaga ama codsigaaaga domainka freega ah waad dhamaysay. hadaba si aad uhesho domainkaga freega ah waxa aad ubaahan tahay inaad sugto inta ay soo aqbalayaan codsigaaga domainkaasna ay ku fasaxayaan inaad adeegsato. 

waxa ay kuuso dirayaan fariin email ah marka ay soo aqbalaan domainkaaga dhanka iyo emailkaaga aad ku diiwan gashatay domainka iyo sido kale aad iskaga diiwan galisayna websiteka

kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

si aad uhubiso in hada domainkaagu shaqaynaayo oo aad adeegsan karto email la'aan waxa aad ubaahan tahay inad aado websiteka freenom kadibna aad gasho akoonkaga sida kaaga muuqanaysa sawirka hoose.



marka aad gasho akoonkaga ee sawirak hoose kuuso muuqdo waxa aad ubaahan tahay inaad doorato qaybta sare ee ay ku taalo services, kana sii doorato halka ay ku taalo my domains. si aad u aragto domainski aad ka samaysatay websiteka iyo inay active yihiin ama shaqaynayaan.



marka aad doorato waxa kuuso muuqan doona boga hoose oo ay kaaga muuqan doonan domainska aad websiteka ka samaysatay iyo sido kale xaaladooda inay yihiin active iyo in kale



sida aad aragto domainki aynu samaynay waa active waana uu shaqaynayaa. qormadeenan intan ayay ku kooban tahay qormo kale ayaynu ka samayn doona sida domainkan aad ugu xidhi karto website ah blogger ama wordpress.