Type Here to Get Search Results !

Shirkada Google Ayaa Khasaartay 100 Billion. kadib marki ay jawaab khaldan bixisay aaladeda cusub ee 'BARD' AI

 


bilihii udambeeyay waxa si aada u xoogaystay horumarka ay samaynayso artificial interlligence, waxaana hada aynu ku tilmamai karta waqtigan in ay tahay marki aduunku uwareegayay dhanka iyo artificial inteliigence.

waxa labadi bilood ee udambeeyay aduunka haystay aalad la yidhaahdo CHATGPT aaladan oo ah  aaladi waqtiga ugu yar ku noqotay mida ay isticmaalan wax ka badan 200 oo million oo isticmaale taarikhda aduunka marki uhoraysay kadib marki ay laba bilood ku heshay kaliya dadka intaas leegi in ay isticmaalan. kama aysan dhicin hada ka hor midani aduunka in shay ama alaabi ay isticmaalan dad intaas leegi kadib marka uhoraysa ee lasoo saaro alaabtaas.

 

sanadadi udambeeyay aduunka dhanka iyo artificial intelligence waxa hormuud u ahaa google oo ay leeyiihiin shirkad la yidhaahdo alphabet. google waa websitkea wax laga raadiyo ee ugu wayn aduunka, waana websiteka loogu booqashada badan yahay aduunka 20 sano ee udambeeyay.

hadaba aalada CHATGPT ayaa saamayn ku yeelatay suuqa google, kadib marki ay iyadu noqotay aalad waxkasta oo la waydiiyo ka jawaabaysa, luuqad kasta oo lagu waydiiyana ka jawaabaysa,( maaha luuqadah oo dhan, balse waa badanka luuqada dadku ku hadlaan). taas oo keentay in dad badan halki ay google inta ay wax ka raadiyaan ay iyagu linkiyada google usoo saaro xogta ka akhriyi lahaayen ay si toosa CHATGTP  wax uwaydiiyan.


waxa intaasba dheer oo google uga sii daran, shirkada microsoft oo leh website wax laga raadiyo oo google lamida lana yidhaahdo BING, ayna xifaaltamaan google ayaa aalada CHATGPT ka dhigtay in uu isticmaalo websitekeeda bing marka wax laga raadiyo, oo xogta laga raadiyay uu qofka si toosa ugu sheego, isago sido kale siinaya qofka meelo kale oo wax laga raadiyona. kadib waxyaabahas oo dhan ayaa shirkada google saaray cadaadis suuqedi ay haysatay ku dhawaad 20 sano ee udambeeyay.

hadaba shirkada google oo ka jawaabaysa wadxyaabhaas ayaa soo saartay aalad lamida CHATGPT oo ay ubixisay BARD, taas oo ay ku tilmaamtay in ay CHATGPT kaga jawaabayso, sido kalena ay dhawaan kusoo dari doonto websitekeeeda GOOGLE si uu waxyaabaha google laga raadiyo ugu fududeeyo dadka,waxyaabaha adag ee laga raadiyo google uu ugu fududeeyo dadka xogta.


shirkada google ayaa muuqal kooban oo ay aaladan ku shaacinayso soo galisay akoonada ay ku leedahay twitter, waxaana ay soo galisay muuqal yar oo u ah xayaysiis aalada bard. waxa muuqalka lagu waydiinayay su'aalo aalada BARD. su'aalihi la waydiiyay muuqalka ayaa ay aaladaasi ka bixisay jawaab fiican oo tusaalayalna wadatay, 

balse waxa layaabka noqday ayaa ahaa in jawaabaha ay bixisay aaladu ay kamid ahayd jawaab khaldan oo ay kaga hadashay marki uhoraysay ee la qaaday sawir ka baxsan aduunka oo muujinaya aduunka iyo hab cadceededka aduunkena uu ka tirsan yahay. waxaana ay noqotay jawaabtasi mid khaldan oo kamida jawaabaha iyo talooyinka ay aaladu ka bixisay su'aasha lagu waydiiyay xayaysiiska dhexdiisa. taaso google ka dhigtay inuu soo gaadho khasaare gaadhaya 100 billion oo ah dhanka qiimihisia suuqa, waxaana google uu hoos udhacay in gaadhaysa 9% oo ah shareskiisa.

balse fariin uu kusoo qoray twitter mid kamida shaqaalaha google ayaa waxa ay ahayd in sababta ay su'aasha khaldan usheegtay aaladani tahay maadama hada wali aan la dhamaystirin oo la tijaabinayay kaliya, tijaabadana loo baahan yahay in la arko khaldaad si aalada loo saxo loona horumariyo, loona hubiyo jawaabaha ay bixinaysa inay yihiin qaar sax ah, sido kale ah qaar ku haboon dadka in la tuso oo aan wax dhibaato ah gudbinayn.