Type Here to Get Search Results !

Blogger vs WordPress: Which Blogging Platform Is Better?

Blogger vs WordPress: Blogging Platform Kee Wanagsan?

Markaad bilaabayso website blog ah, mid ka mid ah doorashooyinka ugu muhiimsan ee go'aamin doona sida blogagu u shaqeeynayo ayaa noqon doona doorashada aalada bloggingka ah ee aad adeegsanayso. Dhammaan aaladaha bloggingka ah ee  jira, Blogger iyo WordPress ayaa ah labada ugu caansan ee loo adeegsado in lagu sameeyo website blog ah.


Labadan aaladood ee bloggingka ah, aalada blogger waxay lagu samayn karaa ama lagu abuuri karaa website blog ah si bilaasha, waxaana aad usamayn karta ama uhabayn karta websitekaaga bloga ah qaabka aad rabto adigo helaaya naqshado badan oo kala duwan oo aad websitekaaga ka dhigi karto,  Si kastaba ha ahaatee, labadan aaladood ee bloggingka ah ayaa mid walba waxa ay leedahay features badan, dhanka kalena waxa ay leedahay mid kasta faaidooyin iyo faaido darooyin marka laga istaago meelo kala duwan.

Maqaalkan, waxaan ku eegi doonaa WordPress vs Blogger, waxaana aynu ku wadaagi doona featureska ama farsamooyinka iyo kala duwanaanshaha si fudud u adeegsiga isticmaalaha, wax-ka-beddelka, lacag-kasamaynta,  amniga iyo waxyaabo badan oo ku saabsan aaladahan.

 

Waa maxay blogger?

Blogger waa aalad free ah taas oo uu leeyahay companyga google, waxaana aaladan loogu talo galay dadka aad technologyga aadka ugu wanagsanayn in ay website ka samaystaan blog ah si free ah.

Kaliya waxa aad ubaahan tahay inaad leedahay akoon gmail ah ama google account ah si aad  aalada blogger website uga samaysato, waxaana aad aaladan ka samaysan karta websiteyo blog ah oo gaadhaya 100. Halka website ee bloga ah ee aaladan laga samaysto waxa wax kusoo qori karaya wax ka badan hal qof, qofka aalada maamulaya waxa uu noqonaya admin halka dadka wax kusoo qorayana ay noqonayaan authors.


Waxa intaas dheer aaladan websiteka bloga ah ee aad ka samaysato ma jirto maqaalo xadidan oo laguu ogol yahay inaad kusoo qorto, waxa aad kusoo qori karaysa inta maqaal ee aad rabto, balse dhanka pageska ama bogaga aad websitekaga bloga ah usamaynayso waxa laguu ogol yahay kaliya inaad samayso ilaa 20 page.

 

Waxyaabaha la tilmaami karo ee faaidooyinka aaladan ah waxa kamida:

·        Dhanka securityga aaladan aad ayay ugu wanaagsan tahay, mana jiraan wax dadaala oo aad ubaahan tahay inaad galiso, waxkasta google dhankiisa ayay ka dhacayaan.

·        Waxa aad helaysa ciwaan ama domain ah blogspot iyo hosting iyo ssl certificate ah oo free ah, hadii aad ubaahato mustaqbalka inaad ciwaan kuu gaara oo aad iibsato aad ku xidhana waad samayn karaysa.

·        Qaab aad ufudud oo aad umamuli karto websitekaaga bloga ah

·        Naqshado kala duwan oo template ah oo aad websitekaga mida aad la rabto ka dhigi karto, freena ah waliba

 

Waa maxay wordpress?

Wordpress waa aalad ama software open source ah kaas oo kamida aaladaha ugu caansan ee content management systemka ah, waxaana aaladan ku shaqeeya websiteyada internetka boqolkiiba 42% waqtiga aynu maqaalkan qorayno.

Aalada wordpress waxa lagu samayn karaa noocyada websiteyada ee kala duwan sida websiteyada e-commerce ah, websiteyada forumska ah, websiteyada sida shakhsiga ah loo adeegsado, iyo websiteyada waawayn ee portfolioga ah. Labada shirkadood ee aynu tilmaami karno ee waawayn ee adeegsada wordpress waa BBC America and Microsoft.

Maaha kaliya inay free tahay waxa wordpress ka dhigay in la isticmaalo, balse kuwan ayaa ah qaar kamida featureska aalada wordpress leedahay:

·        Waxa ay leedahay aaladani farsamooyin badan oo aad ugu so qori karayso maqaalo kala duwan iyo sido kale farsamooyin badan oo aad umaamuli karayso xogta aaladan.

·        Aaladan waad siyaadin karta farsamooyinka ay leedahay adigo adeegsanaya plugins.

·        Waxa ay leedahay aaladani waxyaabo ka baxsan iyada oo aad ku kordhin karto farsamooyinka aad iyada ka helayso, waxyaabahas qaar kamida ayaa free ah qaarna waa iib, waxaana kamida waxyaabahas sida plugins iyo themes.

 

Blogger vs Wordpress: midkee aya kugu haboon adiga oo ay tahay inaad isticmaasho?

Waxa jira waxyaabo badan oo lagu miisamo blogger iyo wordpress midka ku haboon mashruuc ama midka kugu haboon hadiiba aad adigu rabto inaad hada labadan aaladod midki aad isticmaali lahayd aad doorato, sida aan soo tilmaamnay marki horena mid walba oo kamida wordpress iyo blogger waxa uu leeyahay meelo uu ku wanaagsan yahay iyo meelo uu ku liito, hadaba aynu hada midmid udul istaagno.

·        Si fudud u isticmaalka (ease of use) – marka aad dooranayso aalad looma doorto kaliya aalada farsaomooyinkeda, balse waxa haboon inaad udoorato aalada inay gaadhsiisan tahay xirfadaada iyo aqoontaada adiga, oo ay tahay aalad aad adeegsan karto hadhow ama isticmaali karayso. Taasi waxa ay kuu ogolaanaysa inaad aaladan website tayo fiican ku dhisi karaysid.

·        Themes and customazibility – waa in aad hubisa aalada aad isticmaalaysa in ay leedahay featureska iyo farsamooyinka aad websitekaga ugu eekaysin karto qaabka aad la rabto in uu umuuqdo, tani waxa ay kaa caawinaysa inad qurxiyo websitekaga oo sida ad la rabto uu umuuqdo sido kale inaad websitekaga ka dhigto mid kuu gooni ah ah adiga.

·        Addons – waa apps yar yar oo lagu soo daro aalada si ay uhorumariyaan farsamooyinka aad ka helayso aalada

·        Marketing and seo – tani waa awooda aad suuq gayn ugu samaynayso websitekaga bloga ah gaar ahaan dhanka search engine optimizationka waxa loo yaqaano ah, waa in aad eegto aalada aad adeegsanaysa in ay leedahay waxyaabihi ka caaawinayay inad samayso wixi marketing la xidhiidha iyo sido kale in ay ufuddahay in google search engineka ay ka hesho ranking.

·        Monitezation ( lacag ka samaynta) – tani waxa ay kaa caawinaysa inaad ogaato aalada aad dooranaysa in ay si fiican ugu shaqaynayso dhanka monitazationka oo aanay jirin wax xeerar ah oo kale oo ku xadidaya.

·        Security featues – waxa aad ku eegaysa halkan farsamooyinka ama aaladaha ama softwareska aad ka helayso aalada aad dooratay ee aad ku sugi karayso amniga websitekaaga bloga ah, aanad kaga ilaalinayso waxyaabaha sida hackerska, malwareska, spamka iyo wixi dhib ku keeni karayaba.

 

si fudud u isticmaalka ( Ease of use).

Aaladaha bloggingka ah qaar ayaa aad ugu fiican dhanka si fudud u isticmaalka oo dadka ku cusub bloggingka ay si fudud u adeegsan karaan, halka aalada qaar ay iyagu ubaahan yihiin dhanka isticmaalka inuu isticmaalo qof aqoon fiican uleh bloggingka

Blogger

aalda blogger dhanka si fudud isticmaalka aad ayay ugu wanaagsan tahay. marka hore si aad aaladan u isticmaasho kaliya waxa aad ubaahan tahay inaad leedahay google account ama gmail. Intaas kadib waad bilaabi karaysa dhisida websiteka.

Dhanka ku dhisida websiteka waxa ay aaladani kaliya ka kooban tahay ilaa 8 daaqadod, dhamaana inahaas ayaad ka samaynaysa waxkasta oo aad ubahan tahay inaad ka badasho, kusoo kordhiso websitekaaga bloga ah.

Wordpress

marka la barbar dhigo aalada wordpress blogger dhanka si fudud u isticmaalka wordpress ayaa yara kakan, aalada wordpress marka aad rabto inaad isticmaasho amaba diyaariso waa inad marka hore aado internetka kadibna intaas waxa dheer waxa aad si kala duwan u maamulaysa hostingka websiteka, domainka. Waxa intaas ka horaysa marka hore waa inad wordpress ku install garayso hostingkaaga.

Ma odhanayno wordpress aad ayay u adag tahay, balse marka la barbar dhigo bloggerka wordpress waxa ay ubaahan tahay waxooga xirfad ah ama skill ah si aad ubarato sida loo maamulayo, wax looga badalaayo, dhanka kale wordpress marka website lagu samaynaayo waxa ay leedahay talaabooyin badan oo la maraayo, taasina waxa ay ka dhigaysa inay ubaahan tahay xirfad fiican, dadka barbilawga ku ah bloggingkuna kuma soo boodi karan wordpress markaba.

 

Theme customazability

Marka aad dooranayso ama eegayso naqshada websitekaaga, waa in aad eegto naqshad leh wax badan oo laga badali karaayo iyo sido kale waa ina ad eegto aalada aad ka helayso naqshado badan oo kala duwan.

 

Blogger

Blogger waxa uu leyahay laba qaybood oo themeka ama templateka aad wax kaga badali kartid, midi waa visual editor ama mid la arkaayo waxa aad badalayso iyo sido kale html editor. Visual editorku waxa uu leeyahay awooda drop and drag in aad u adeegsan karto elementska ay ashyaada aad soo galinayso.

Waxa jira themes ama templates la socda bloggerka oo free aad ku helayso, balse ma tiro badna mana xuma midaasi. Waxa intaas dheer waxa aad ka helaysa websiteyo badan oo kale oo ad ka helayso themes blogger ah oo ay sameeyen dad kale kuwaas oo aad u heli karto qaab free ah iyo qaar aad iib ahba waa ay jiraan.

Wordpress

wordpress waxa ay leedahay featues iyo customazation ka badan inta uu leeyahay blogger, waxa lagu samayn karaa wordpress inta badan noocyada kala duwan ee websiteyada, taasina waxa ay ka dhigaysa in ay leedahay customation iyo features ka badan inta bloggerka. Waxa intaas dheer wordpress waxa ay leedahay wax ka badan 8500 oo theme kuwaas oo isugu jira noocyada kala duwan ee naqshadaha websiteyada

Marka la joogo theme customationka wordpress ayaa ah mida ka wanaagsan blogger maadma lagu samayn karo websiteyo kala duwan.

 

Add-ons

Add-ons waxa ay ka caawiyaan websiteka bloga ah in ay kusoo kordhiyaan farsamooyin ama featues aanu lahayn aalada qofku isticmaalaya.

Blogger

Bloggerku waa aalad blogging ah taas oo aan lahayn waxyaabo badan ooo ah add-ons ama plugins.

Waxa ay leedahay wax udhigma pluginska ama addons lana yidhaahdo gadgets oo kor dhinaaya featureska iyo farsamooyinka websitekaaga, balse waxaana aysan ubadnayn sida wordpress. Sababtuna waa blogger inta badan waxa aad ku dhisi karta website ah blog, taasa ka dhigaysa ina aad ka hesho addons aan badnayn.

Balse marka blogger loo eego gadgetskiisasi waa ay kaga filan yihin inaad u adeegsato sida webiste blog kaliya ah.

Wordpress

wordpress maadama ay tahay open-source, waxa ay leedahay plugins iyo addons aad utiro badan, waxa aad helaysa inta badan nooca websiteka ah ee wordpress aad ku dhisaysa waxa uu doonaba ha ahaado e plugins la xidhidha websitekaaga oo laga yaabo inay yihiin qaar iib ah ama free ah.

Pluginsku iyo addonsku waxa ay sugu jiraan qaar iib ah iyo qaar free ah, waxaana jira sida xoguhu sheegayaan wax gaadhaya 50,000 oo plugin oo wordpress ah oo isugu jira adeegsiyo kala duwan.

 

Marketing and seo.

Waa inaad hubiso aalada aad adeegsanaysa in ay ku fiican tahay dhanka marketingka iyo search engine optimationka si websitekaaga bloga ah uu ukoro, dadka ka helaaya raadinta google iyo websiteyada kale ee search engineka ahina ukordhaan.

blogger

blogger malaha waxyaabo badan oo marketingka iyo seo la xidhidha, sido kale mana laha plugins oo waxba kumasoo kordhin kartid aalada, balse waxa jira blogger wax uu leeyahay oo aad muhiim u ah, kaas oo ah blogger stats iyo sido kale google analytics. Maadama uu leeyahy google analytics shirkada google waxa ay ku xidhiidhsan tahay websitekaaga bloga ah, waxaana ad wax badan ka ogaan doonta websitekaaga iyo activitieskisa.

Kaliya waxa aad ubaahan tahay inaad samaysato google analytics account, kadibna aad google analyticskaga tracking idgiisa aad ku koobi karayso websitekaga bloga ah adigo usamaynaaya sidan. Waxa aad aadaysa google analytics accountgaaga kadibna waxa aad dooranaysa Settings -> Basic -> Google Analytics Property ID. 

Wordpress

Wordpress waxa ay leedahay waxyaabo badan oo ah marketing ah  iyo seo plugins. Waana content management system aad ugu wanaagsan marka loo eego digital marketing stategieska.

Marka laga tago pluginska iyo addonska wax kusoo kordhinaaya wordpress, wordpress sida caadiga ah waxa ay uleedahay waxyaabo ka qayb qaata seo waxaana kamdia permalinkska, meta discriptionka iyo sido kale redirectionska.


Monitizationka

Hadii ad rabto inaad lacag ka samayso websitekaaga bloga ah, mid kamida qaababka ugu wanaagsani waa inaad monitize garayso websitekaaga. Waana inaad doorato websiteyada kala duwan ee monitazationka la xidhiidha e aad ka samayn karto dhaqaalaha kala duwan.

Labada aaladod ee blogger iyo wordpressba waa ay ogol yihiin monitazationka, balse waxa jira farqi yar oo udhaxeeya labada aaladod oo aynu itlmaami doono.

Blogger

Waxa aad lacag ka samayn karta hadii aad leedahay website blog ah ama aad ku monitize garayn karta websitekaga bloga ahi waa google adsense. Google adsense aa aalad xayaysiis dul saaraysa websitekaaga kadibna dadka soo booqda websitekaaga ee akhrinaaya maqaalada ayaad dhaqaale ka faaidaysa.

Dhanka lacag ka samaynta google adsense adigo adeegsanaya blogger aad ayay uga fududahay hadii websitekaagu yahay wordpress, maadama labada system google isla leeyahay blogger iyo google adsense waa ay fududahay in laysku xidho.

Qaabkas kaliya maaha qaababka aad lacagta uga samayn karto bloggingku, waa ay badan yihiin balse midan ayaa ah mida dhqaalaha ugu fiican laga helo uguna macquulsan

Wordpress

Waxa jira qaabab kala duwan oo wordpress aad lacag uga samayn karto iyada, balse mida aynu usocono ee ah monitizationku waa in aad adeegsato qaar kamida aaladaha monitizationka bixiya sida midka aynu soo tilmaanay ee googel adsense. Google adsense wordpress lacag waad uga samayn karta sida bloggerka, inkasta oo sida laysugu xidho google adsense iyo wordpress aanu ufududayn sida bloggerka hadana aad uma adka.

Waxa jira siyaabo kale oo aad wordress lacag uga samayn karto waxaana kamdia sida inaad affiliate marketing isticmaasho hadii aad joogto wadan laga ogol yahay affiliate marketingka.


Security

securitygu waa shay muhiima oo aad iswaydiinayso marka aa dooranayso labadna aaladodo midka aad blogaga ku dhisanayso.

Blogger

Dhamaan websiteyada bloga ah waxa ay yaalan gudaha shirkada google oo ah meel aad iyo aad uu usugan yahay amnigeedu, waxa intaas dheer adkaynta blogagu kaliya waxa ay ubaahan tahay adkaynta gmailkaaga, hadii aad two-step verification usamayso gmailkaaga maba suuro galayso in qof galo websitekaaga bloga ah isago aan helin telefoonkaga iyo simcardka ku jiraba.

Waxa intaas dheer dhanka securityga intenetka waxa lasocda websitekaaga bloga ah si free ah waa ssl oo ah qafilka yar ee httpska ee ciwaanka websitekaaga la socda. Midkaasna si free ah ayuu ula socda bloggerka.

Kaliya hal dhibaato ayuu leeyahay blogger waa ina aand sii siyaadin karin securityga websitekaaga maadana aanad lahayn aalada bloggerka, balse uma baahnid midaasna sida an anigu qabo.

Wordpress

Wordpress marka la yimaado dhanka securityga uma fiican sida blogger, waxa jira plugins dheerada oo aad ka helayso wordpress oo securitygaga kor uqaadaya, balse sido kale waxaaba jira pluginska iyo addonska aad isticmaalayso qaar virus ah oo laga yaabo adigo isleh ka faaido faaido ay leeyihiin aad aragto iyago websitekaaga dhib ku keenaya.

 

 

Ugu danbayn yuu ku haboon yahay blogger.

Bloggerku waxa uu ku haboon yahay qof ku cusub dhanka bloggingka, dhanka adeegsigisu aad ayuu ufuddud yahay.

dhanka lacag ka samaynta waa uu fudud yahay, dhanka securitygu waa uu fudud yahay dhamaan waxyaabahaasna waxa aad ka helaysa bloggerka. sida in uu fududaado lacag ka samayntu waxa ay tahay sababto ah aalada blogger iyo google adsense waxa isla leh shirkada google si fududna waa ay isugu xidhmayaan. Dhanka securityguna waa uu fudud yahay sababto ah shirkada google ayaa amniga blogaga sugaysa.

Waxaan intas oo dhan dheer wa free bloggerku, oo marka aad bilaabayso waxa kaliya ee qarash kaa baxayaa waa qarashka aad ku iibsanayso magaca ciwaanka ama domainka ah.

Hadii aad rabto inaad bilawdo bloggingka hada, qaado kooraska aynu ka diyaarinay bloggingka iyado la adeegsanayo aalada bloggerka. Waxa aad ku baranaysa dhamaan xirfadaha blogginka ah e.

Hadii aad rabtana waxa aad soo codsan karta adeega ah samaynta websiteyada blog ah, adigo inagala soo xidhiidhaya whatsapp numberkan:  00252657917414 ama riixaya linkigan si aad whatsappka inagala soo xidhiidho: https://wa.me/657917414

 


 

Yay ku haboon tahay wordpress.

Wordpress waxa ay ku haboon tahay qof aqoon fiican uleh bloggingka, sido kale wordpress waxa ay ku haboon tahay qofki aan rabin website blog ah inuu samaysto, maadama wordpress lagu samaysan karo noocyada kala duwan ee websiteyada. 

 


Tags