Type Here to Get Search Results !

How to use self message feature on WhatsApp


 

aalada whatsapp ayaa dhawaan lagu soo kordhiyay feature ama farsamo muhiima muhiima taaso kuu ogolaanaysa in aad fariin whatsappka ah isu dirto adigu adigo kaliya adeegsanaya akoonkaga whatsappka ah. waxa jira farsamadan aalado dhowra oo leh ka hor inta aanu whatsapp soo kordhin, waxaana kamida aaladahaas telegram oo ah aalada 1aad ee tartanku ka dhaxeeyo whatsapp


farsamadan ayaa si iskiu mid ah looga helaya telefoonada android iyo iphone, waxaana aad farsamadan adigo adeegsanaya isu diri karta xogta sida sawir, muuqal, document, iyo noocyada kala duwan ee xogta.

sidee loo adeegsanaya featurekan ama farsamadan?

marka 1aad waxa aad ubaahan tahay telefoonkagu haduu yahay android  inaad aado playstore haduu yahay iphone inaad aado appstore kadibna ku shubato telefoonka appka whatsapp versionka udambeeya, hadii whatsapp kuugu jirana hubi inu update ubaahan yahay update gareena haduu update ubaahan yahay 


talaaboyinkan raac si aad usamayso:

1. Soo fur appka whatsapp
 


 2. kadibna dooro calaamada new message
 
 3. ka dib waxa qaybta sare kaaga soo muuqanaya qaar kamida asxaabtada whatsappka e numberadoodu kuu kaydsan yihiin, qaybta dhexe waxa aad ku arki doonta meel ay ku taalo you sida sawirka hoose kaaga muuqanaya, dooro midaas si aad fariin isugu dirto


 
3. intas kadib waxa kuuso muuqan doona akoonkaga whatsappka, intaas kadib fariinta aad rabto ayaad isu diri karaysa.
 
 

khulaasayn
 
fariin kasta oo aad isu dirto waxa ay kasoo muuqan doonta akoonkaga whatsappka ah, haday tahay document, video, fariin, note, iwm. waxaana aad farsamadan u adeegsan karta waxyabaha aad rabto inaad ku kaydsato whatsappkaaga