Type Here to Get Search Results !

What is The Difference Between USB A, USB C & USB 1, USB 2, USB 3

marar badan waxa aad aragtaa xadhko kala duwan oo dhamaantod ah usb, waxaana laga yaaba inaad ku dawakhdo farqiga udhaxeeya xadhkahan iyo sido kale tayadoodaba. hadaba si aad qormadan uga bogato dhamaan su'aalahaga ku saabsan xadhkaha usb la yidhaahdo,magacyadooda, iyo tayadooda kala duwanba waxa muhiima marka hore inaynu ka hadalno waa maxay usb. 

 usb waa eray bixin laysla qaatay ayna isla qaaten shirkadaha sameeya qalabada technologyada iyo dawladuhuba loona adeegsado in lagu garto noocyada xadhkaha la siiyay magacaas iyo sido kale xawaarahooda. tusaale hadii qof yidhaahdo usb 1 ama usb A si laysula garto xadhiga qofkasi sheegayo iyo sido kale nooca uu yahay iyo xawaarihiisa ayaa eray bixinadan loo sameeyay. midas oo u fududaynaysa dadka isticmaala qalabada technologyada in qalabo ay soosaaren shirkado kala duwan ay isu adeegsan karaan. shirkadaha qalabada sameeyana ay wada shaqayn karaan.

 

 maadama aad hada soo fahantay waxa uu yahay usb, hada waxa aynu ugudbayna noocyada xadhkaha kala duwan iyo sido kale tayada xadhkaha ee kala duwan sida loo garto. waxa jira 2 qaab oo fudud oo lagu kala garto noocyada xadhkaga usbga ah iyo sido kale tayooyinka kala duwan ee xadhkahaasi leeyihiin. hadaba si aad si fudud ugu kala garato hadii aad maqasho erayga usb o la raacinayo xaraf kale oo aan tiro ahayn sida USB A ama USB C waxa laga hadlayaa waa xadhiga isku xidhaaya sida telefoonka iyo chargerka ama telefoonka iyo comuterka,iwm. hadii aad maqasho erayga usb oo dabada laga raacinayo xaraf tiro ah sida USB 1 ama USB 2.0 amaba USB 3.0 waxa laga hadlayaa tayo gaar ah. aynu ku horayno noocyada tayada:

 USB 1.0, USB 2.0 & USB 3.0

marka aad maqasho erayga tusaale USB 3.0 waxa muhiima inaad fahanto waxa la sheegay inaanu ahayn xadhig gaar ah ee ay tahay tayo laysla qaatay oo xadhko kala duwanaan kara inay lahaan karaan. si aynu ufahano hadaba aynu soo bilawno waqtigi uu so baxay xadhiga uhoreeya ilaa aynu ka gaadhayno ka udambeeya ee USB 3.0. USB 3.0 maaha xadhigi udambeeyay ee soo baxa balse inta aynu tusalaha usoo qaadanay ayuu udambeeyay.

 

USB 1.0 

waxa lasoo saaray dhamaadka 1995 waxaana uu ahaa xawaarihiisu 12 MB p/s. waqtigaas xawaaraha intaas leeg xadhkaha qaadaya waxa ay ahaayen horumar aad uwayn balse xadhigaas inyar kadiba waxa laga soo daba saaray tayo kale oo lagu magacaabay USB 1.1. tayadaas kale xawaaraheedu ma uusan ahayn mid ka duwan midka sare balse waxa uu kaga duwana tayada sare xadhkaga yeelanaya tayada USB 1.1 inay sido kale isticmaali karean awooda ka hoosaysa intaas 12 mb p/s ah sababo la xidhiidha hadii lagu xidho qalabo awoododu hoosayso. waxa aan uga jeeda godad aan qaadan karin 12 mb p/s halki ilbidhiqsiba. 


waxa lasoo saaray 2000. waxaana uu noqday xadhig ama tayo ka wanaagsan midi hore ee USB 1.0. tayada xadhkahan USB 2.0 ayaa noqotay mid ah 480 mb p/s midaas oo ka dhigtay tayadan mid aad uwanaagsan. computeradi waqtigaasna dhamaan waxa ay isticmaalayeen USB 2.0, maaha computerada meel gaar ah balse 2000 iyo sanadihi ka dabmeeyay compuerada aduunka yaala oo dhami waxa ay isticmalayen taydaas.shirkadi doona hasoo saarto computerkase. sido kale faaidada midan ayaa ahayn xadhkaga tayadan lehi ama gododka oo afka qalaad lagu yidhaahdo portska leh tayadan ayaa waxa ay awood uleeyihiin inay ku shaqayn karaan xadhkaha kale ee leh tayada xadhigi hore isla markaana qaadaya xawaare ka hooseya midka ah 480 mb p/s isla markaana qaadaya inta udhaxaysa tiradaas 480 mb p/s ilaa 1.5 mb xawaraha ah. 

USB 3.0 

ayaa isagana waxa lasoo saaray 2008. maaha xadhigi udambeeyay waqtiga aynu qorayno qormadan, xadhiga udambeeyay waqtiga aynu qorayno qormadan waa USB 4.0 oo hada dhawaan soo baxay isla markaana aysan jirin xadhko badan oo lasoo saaray oo leh tayadaasi. balse hadaynu kusii socono tayada USB 3.0 waxa tayadan xadhkaha ama portska yeelan doona ay tahay 4.8 gb p/s. waana labanlaab tayada uu lahaa USB 2.0. 2013 aya hadana lasoo saaray tayada xigtay oo ah USB 3.1 kaaso isagana ah mid xawaarihiisu gaadhayo 10 gb p/s. 

hadaba mida muhiimka ah ayaa ah inaad ogaato dhamaan kuwa sare ee aynu soo tilmaamnay waa tayooyin. hadana waxa aynu ugudbayna godadka iyo xadhkahaba.


USB A 

USB A waa xadhig port ama xadhkaha qaybta hoose kaaga muuqan doona. xadhkahan ayaa tayadooda standardka ahi noqon kartaa qaar kamida USB 1.0 qaar kalena USB 3.0. tusaale xaga hoose waxa kaaga muuqanaya xadhig qaybtiisa hore hadaad eegto waxa uu yahay midabka cadaanka. xadhigaas tayadiisu waa USB 2.0. halka xadhiga kalena qaybtiisa hore yahay midabka bluuga. xadhiga qaybtiisa hore tahay midabka bluuga waa xadhig ah USB 3.0. midabka yar ee bluuga ah ee qaybta hore kaga yaala ayaana sheegaya midaas.

si sidaas lami midani kuma koobna xadhkaha oo kaliya balse portska ama godadka iyo sido kale xadhkahaba waa isku mid. hadaad sida sawirada hoose kaaga muuqato ufiirsato godadkuna waxa ay la mid yihiin xadhkaha, godka leh midabka bluuga ah waa USB 3.0 halka midka kalena yahay USB 2.0. waxaana muhiim inay isla shaqaynayan oo god waliba 2 xadhigba ku shaqaynaayo waxa farqiga yahay xawaaraha oo maran hoos udhacaya marna kor ukacaaya iyado ku xidhan kala duwanaahshaha xawaaraha xadhiga iyo godka.
MICRO USB NOOCAN USBga ahi waa midki aynu u adeegsan jirnay hada ka hor telefoonada android in lagu charge gareeyo ama lagu dabeeyo. wali waad arkaysa telefoono lagu dabaynayo xadhigan ama xog looga qaadayo computerka balse hada maaha xadhiga telefoonada lasoo saaro isticmaalan, waana xadhig aad uwanaagsan
USB C xadhiga USB C waa xadhiga hada ah midka loogu adeegsiga badan yahay telefoonada iyo computerada. xadhigan ayaad arkaysa mararka qaar mid ah tayada USB 3.0, halka mararka kalena aad arkayso isago ah USB 3.1 ama kuwa ka sareeya.

sababta xadhigan ka dhigtay inuu sidan unoqdo midka loogu adeegsiga badan yahay ayaa ah inuu yahay xadhig ku shaqaynaaya god kasta oo lamida isaga, isla markaana lahaanaya dhamaan awoodaha iyo tayada xadhigan. hadaba xadhigan ayaad hada ku arkayda dhamaan telefoonada iyo computerada cusuba, telefoonada dambe oo dhan gaar ahaan android waxa u ah xadhiga dabka xadhigan halka computerada cusubna aad arkayso compuerkasta isago leh ugu yaraan god xadhigaas ah. taaso keenaysa inad godkaas u adeegsato inaad ku dabayso compuerkaaga sido kale aad xog inaad computerka ku shubto iyo inad xog computerka uga wareejiso telefoonba aad u adeegsan karto