Type Here to Get Search Results !

How To Carry Your Most Important Software In Your Pocket


 

Waxaa jira dhowr sababood oo kala duwan oo laga yaabo inaad u rabto inaad isticmaasho app la qaadi karo, kaas oo ah software ku shaqeeya kombuyuutarka iyada oo aan lagu shubin kobbuyuutarka.

marka hore inta badan hadii aad adeegsato computerkaaga kuu gaarka ah iyo computerada dibada yaala sida kuwa maqaaxiyaha, libararyada iwm waxa aad adeegsan kartaa appska ama softwarada la qaad qaadi karo ee la yidhaahdo portable appska ama protable softwareska. midani waxa ay kuu ogolaanaysa waxkasta oo muhiima oo aad ka waday computerkaga inad computer kasta ku samayn kartid si lamida.


marka 2aad appska la qaadi karo ama portable appsku waxa ay ku wanaagsan yihiin wax raad ah kagama tagaan marka ad ku adeegsanayso computer dadwayne ama public computer. midaasi waxa ay kuu suuro galinaysa in marka aad flashta ama external hardriveka aad ka saarto computerka aan computerkas wax raad ah oo ku saabsan wixi aad ku isticmaashay aanu ku hadhayn. muhiimna way tahay midani hadii aanad rabin in xogtaada aan lagu kaydin computerkaas waqtiga aad adeegsanayso waqti ka dambeeya.


marka 3aad appska lagu shubo computerku waxa ay ka qaatan kayd computerkaaga, midaas oo ku keenaysa inuu culays noqdo computerkaagu ama computerka aad ku shubaysa haduu mid dad wayne yahay, inkasta oo inta badan computerada dad waynaha aanad software ku shubi karin oo laga xidho si aan cid walba waxa ay doonto ugu shubto, hadaba midani waxa ay kuu suuro galinaysa inad marka 1aad computerada dadwaynaha ama public computerska aad ku adeegsan karto softwareka aad rabto sido kale aanad kuna shubin wax software ah si aanu ugu sababin culays haduuba ku sababi karaayo.


hadaba hadii ay kaa tahay inaad rabto appska aan kugula wadaagayo iyo websiteyada si aad u adeegsato amaba ay kaa tahay aqoon, halkan waxa aan kugula wadaagaya qaar kamida appska iyago portable ah ama la qaad qaadi karo aad adeegsan karto iyo sido kale websiteyo aad ka heli karto apps intan ka badan, oo si gaara hadii ad urabto appska kale aad adigu ka raadin karto.

balse ka hor inta aynan u gudbin appska appska la qaad qaadi karo waxa ay ugudbin karaan viruska sida softwarada kale ay ugudbiyaan ee dadka sida khaldan wax uga badalaan, hadaba sida caadiga ah appska waa inaad antivirus ku eegta ama computerkaaga uu antivirus ku jiraa kaa eega appskan inay nadiif yihiin iyo in kale, si sidaas lamidana waa inaad ka dagsata appska noocanaha meel lagu kalsoon yahay ama website lagu kalsoon yahay si aad isaga ilaaliso inuu virus ku jiro amaba uu yahay virus waxa aad dagsanayso. waa muhiim midaasina.


Portable Apps for Chrome

1. Google Chrome Portable (Web Browser)

hadii aad adeegsato google chrome browser ahaan si aad uga booqato websiteyada internetka waxa aad adeegsanaysa google chrome oo ah mid la qaad qadi karo. waa isku mid softwareku sida ka lagu shubi karo computerka ayaad u adeegsanaysa. waxa aad ka gali karaysa gmailkaga waxa aad adeegsan karaysa dhamaan extensionska aad rabto, waxa aad ka heli karaysa haday jiraan passwordyo kuugu kaydsan iyo dhamaan waxkasta oo aad ku haysatay browserka kuugu jira computerkaaga.

Portable Apps for Firefox

2. Mozilla Firefox Portable (Web Browser)

Mozilla Firefox waa browser kale oo aad loo adeegsado, hadii aad adeegsato browserkan oo uu kuugu jiro computerkaaga, kanina waa isago ah software la qaad qaadi karo, dhamaan waxyaabaha uu leeyahay mozila firefox isago ah mid lagu shubi karo computerka kanina waa leeyahay, waana runti mid kamida browserska loogu adeegsiga badan yahay kadib google chrome

Portable Apps for Mac

3. VLC Media Player Portable (Media Player)

VLC waa softwareka loogu adeegsiga badan yahay ee muuqalada lagu daawado computerka, softwarekanina waa mid kale oo aad ku adeegsan karto computerkasta maadama uu yahay protable, waa uu leeyahay mid lagu shubi karo computerka sida softwareadi ka horeeyayba balse hadii aad computer aanad lahayn muuqal rabto inad ku daawato appskan waa kuu muhiim, waxa aanad ku daawan kartaa nooc kasta oo muuqal ah, dhamaan waxa uu awooda inuu ku tusi karo kuuna furi karo noockasta oo muuqal ah iyo sido kale maqal ahba.


4. Gimp (Photo Editor)

waa mid kamida appska ugu wanaagsan ee wax lagu naqshadeeyo kadib aalada photoshop, waana software free ah ama bilaasha, waxa uu kaa caawinaya inaad ku naqshadayn kartid sawiro, ku qurxin kartid. waxa aad ku samayn kartaa sawirada kuwa naqshadaha ah, kuwa sumadaha ah ama logo la yidhaahdo. waxa uu leeyahay isago aad computerka ku shubi karto sida softaradi sare.


5. LibreOffice Portable (Office Suite)

LibreOffice waa software ah sida softwareka caanka ah ee microsoft office oo kale, waxa uu leeyahay softwarekani dhamaan noocyada uu leeyahay microsoft office sida microsoft word, exel, powerpoint, iwm. waxa intaas dheer waa free softwarekani waxa inta kadii xiiso badan waad ku adeegsan kartaa qoraalada iyo documentyada lagu sameeyay microsoft wore, iyo presentationska lagu sameeyay microsoft powerpoint. sido kale softwarekani waxa aad ku adeegsan kartaa badanka systemyada computerka sida windows,linux, halka aan microsoft office aanu isagu linux available ka ahayn waqtiga articleka aynu qorayno.hadaba softwareka muhiimadas leh isago la qaad qaadi karo computerkastana aad ku adeegsan karto ayaad ka dagsan karta halkan.

 

inahasi waxa ay ahaayen appska ama softwareada aynu soo qaadanay ayago ah qaab aad qaad qaadan karto, balse appsku intaas waa ay ka badan yihiin aad adeegsan karto ayago ah qaab aad qaad qaadan karto, hadana aynu ugudubno sida loo helo appskas ama loo dagsado iyo meelo laysku halayn karo oo ad ka dagsan karto.



Portable Apps Website, PortableApps

1. Portableapps (Web Browser)

Portableapps waa websiteka ugu muhiimsan ee aad ka dagsan karto badanka ama dhamaanba softwarada lagu adeegsado computerka ee portableka ah ama la qaad qaadan karo. hadaba hadii uu jiro software aad rabto inad hesho isago portable ah ama la qaad qadan karo an kana mid ahayn  softwarada sare waxa ad ka fiirin kartaa inuu ku jiro websitekas portableapps