Type Here to Get Search Results !

Waa Maxay Puk Code? Farqiga udhaxeeya Puk Code iyo Simcard Pin.

 

waxa jira fure-sireed la yidhaahdo sim pin oo lagu xidho simcard-ka si simcard-ka telefoonka uu ilaashanado. simcard pin-ku ama fure sireed-ka lagu xidho simcard-ka waxa loo adeegsada in simcard-ka telefoonka hadii laga saro aan lagu adeegsan karin telefoon kale. badanka ama dhamaanba simcards-ka ay bixiyaan compnayada kala duwan ee aduunkana waa ay leeyihiin simcard pinka.

 

hadaba waxa jira simcard pin-ka ama fure sireed-ka lagu xidho telefoonada waa mid kooban marka la eego xarfaha uu ka kooban yahay, inkasta oo midan aanay iskaga mid ka ahayn shirkadaha ama laga yaabo in la arki karo qaar ka duwan, waxa jira wax ay ka siman yihiin oo ah hadii la galiyo pin khaldan ama fure-sireed khaldan sadex mar wax ka badan in uu is xidhaayo simcard-ku. 

marka lagu dayo ama la galiyo pin khaldan ama furesireed khaldan oo simcard-ka ah telefoonka sadex mar, waxa isku xidha simcard-ka pin la yidhaahdo PUK Code. PUK Code waxa looso gaabiyay (Personal Unlocking Key) waana code loogu talo galay simcard-ka in lagaga furo pin-ka hadii la garan waayo pinka ama hadii pinka lagu dayo telefoonka in ka badan 3 jeer.

marka telefoonka lagu dayo pin-ka in ka badan 3 jeer ayuu puk code-ka ku waydiinaya simcard-ka. hadii puk code-ka lagu dayo 10 jeer isagana simcard-ka si permenant ah ayuu uxidhma oo ma shaqeeyo, ilaa mar danbe la furto oo laga furto shirkadi marki hore bixisay. 


su'aasha iswaydiinta lihi hadaba waxa weeye halke laga helaa puk code-ka, se maxay tahay sababta loogu baahan yahay puk code-ka. Puk code-ka waxa laga helaa shirkada bixisay kaadhkaga, waa number ka kooban 8 xaraf oo la socda marka aad furato kaadhkaga qolofka kaadhka, sido kale mararka qaar aan la socon hase ahate laga helo shirkada bixisa kaadhka. 

number-ka puk code-ka ah waxa muhiima inuu ahaado number secret ah oo qarsoon, maadama uu yahay number lagaga furi karo simcards-ka pinku ku xidhan yahay ama fure-sireedku ku xidhan yahay fure-sireedka ama pin-ka. taas awgeed companyada qaar waa uu qarsoon yahay puk code-ka oo qofka macmiilka ah ee isticmaalaya kadhka shirkada marka uu utago ayuu ogaan kara puk code-kisa, shirkadaha qaarna ma qarsoona.