Type Here to Get Search Results !

Waa Maxay Farqiga udhaxeeya email iyo Gmail

 badankeena marka aynu maqalno erayga email waxa niyadeena kusoo dhaca Gmail oo ah aalad ay leedahay shirkada google oo aynu u isticmaalno inaynu ku helno fariimaha emailka ah. Gmail waa aalada dadka ugu badan ay isticmaalan marka laga hadlaayo emailada, ilaa dadka qaar ay uyaqaanan Gmail inuu yahay aalada kaliya ee emailka ah ee jirta, amaba Email iyo Gmail isku midba ay uyaqaanan.


 

maqaalkan waxa aynu kaga bogan doona jawaabta su'aal muhiima oo ah waa maxay farqiga udhaxeeya email iyo Gmail. 

 

Waagi hore ee technologyadan casriga ah aanay soo bixin dadka waxa ay ku wada xidhiidhi jireen waraaqo la isug diri jiray, waraaqahas ayaa ukala wareegi jiray 2 qof ee kala fog ee raba inay wada xidhiidhan. waraaqahan oo ku magac dheera posts ayaa waxa qaadi jiray gawaadhi ama gaadiidka kala duwan kuwaas gaadhsiinaya waraaqda halka qofka waraaqda loo diraya joogo. 

casrigan danbe ee technologyadu badashay wax badan isla markaana fududaysay nolosha aadamaha qaybaheeda badan haday tahay caafimad iyo dhaqaaleba ayaa waxa ka mid noqday waxyaabaha ay fududaysay in waraaqihi waagi hore la isu diri jiray ee qaadan jiray waqtiga iyo dhaqaalaba si ay ugaadhan qofka loo dirayo in ay fududaysay technologyadu, Email-adu waxa ay udhigmaan waraaqihi waaga hore la isu diri jiray, waxa emailada loogu talo galay inay badalaan habkaan qadiimiga ah oo halki waraaqaha la isugu diri laha qaab muuqata in la isu mariyo waraaqaha hawada iyado la isticmaalayo technologyada iyo qalabada electronics-ka ah.


maantana fariimaha ugu badan ee ganacsiga ah iyo shaqooyinka ku saabsan waxa ay maraan aaladaha loo yaqaano Email-ada oo badalay habkaas casriga ah, email-adu waqtigan waa habka kaliiya ee official-ka ah ee ganacsiyadu uwada xidhiidhan.

hadaba waxa jira aalado badan oo email-o ah oo la adeegsado oo fariimaha la isaga diro, Gmail-na waa aalad kamida aaladaha Emailada ah ee la isticmaalo, hase ahaate Gmail waa aalada ugu magaca wayn uguna caansan dadka ugu badana isticmaalan ee Email-ka ah. taas ayaa keentay in dadka qaar ay email-ka dhan uyaqaanan Gmail, halka ay jiraan aalado kale oo Email-lo ah hase ahaate aan aad caan u ahayn dad badana aanay aqoon in ay jiraan.  aaladaha kale ee Email-ka ah waxa kamida outlook, proton mail, yahoo mail, iyo qaar kale oo badan. 

maadama aynu fahanay hada farqiga udhaxeeya Gmail iyo Email, isla markaana aynu fahanay Gmail inuu yahay aalad kamida aaladaha Email-ka ah ee jira, isla markaana aynu fahan Email inu yahay waraaqaha waagi hore la isu diri jiray oo laga dhigay hab online ah, aynu hada iswaydiino maxaa sababay inu Gmail ugu magac waynaado aaladaha Email-ka ah ee jira. 


sababta Gmail ka dhigtay inuu noqdo aalada ugu magaca wayn email-ada waqtigan ayaa ah in Gmail lagu isticmaalo akoon la yidhaahdo google account. Shirkada google waa shirkada iska leh 2 website ee ugu wayn aduunka ee xog laga raadiyo, waana google.com iyo youtube.com. waxa lagu adeegsada laba aaladod akoonka Google account-ga ah oo ah midka aad ku isticmaalayso aalada Gmail oo iyadana ay google leedahay. 

sido kale shirkada google waxa ay leedahay dhowr aaladod oo online ah isla markaana lagu isticmaalo google account, waxa kamida aalada google drive oo ah goob lagu kaydsado xogahaha oo internet-ka ah, waxa kamida aalada blogger oo lagu sameeyo website-yada Blog ah, waxa kamida aalada Google classroom, iwm.


maadama aaladahas tirabada badan lagu adeegsado akoonka google account, waxa qofkasta oo aaladahas ubaahan badankoda uu ubaahan yahay inu samaysto google account, hadii aad leedahay google account, micnaheedu waxa weeye waxa aad leedahay Gmail, taasa ka dhigaysa Gmail inu leyahay qofkasta oo leh akoon Google account ah, qofkasta oo google account lehna waxa u fudud inu Gmail isticmaalo uuna noqdo akoonkisa Email-ka ah ee uu internet-ka ku leeyahay.

sababtaas ayaa ah mida ka dhigtay google shirkada leh aalada Email-ka ah ee ugu caansan ee lagu magacaaga Gmail ama Google Mail.