Type Here to Get Search Results !

Waa maxay farsamada cusub ee lagu so kordhiyay whatsapp (ip protect)

 

whatsapp waa mid kamida adeegyada ugu muhiimsan ee internet-ka ee aynu isticmaalno wakhtigan. waxa isticmaala in ka badan 2 billion oo qof oo aduunka daafihisa kala duwan jooga whatsapp, waxana ay u adeegsadan whatsapp inay ka wada xidhiidhan wadaagana xogaha kala duwan.

waxa whatsapp iyo adeegyada kala duwan ucaado ah in si joogto ah isbadal (update) loogu sameeyo, update-kas oo mararka qaar noqda in farsamooyin laguso kordhiyo sida isbadalka aynu maqaalkan kaga hadlayno, mararka qaarna noqda in farsamoyin jiray wax laga badalo ama laga saaro adeega. 

 

maqaalkan waxa aynu kaga hadli dona farsamo cusub oo la yidhaahdo ip protect oo lagu so korhdiyay whatsapp. farsamadan ayaa whatsapp lagu so daray hada waqti yar ka hor waxaana loogu talo galay in qofka isticmaalaya whatsapp hadii uu call ku hadlaayo inan qofka kale ogaanin halka saxda ah ee uu joogo

waxa ay farsamadan cusub wax ka badalaysa marka aad whatsapp call ku hadlayso, halki 2 telefoon ee wada hadlaya whatsapp-ka ay toos uxidhiidhi lahaayen, marka farsamadan furan tahay waxa 2 telefoon ee wada hadlaaya udhaxaynaya computers-ka server-ka la yidhaahdo ee shirkada whatsapp leedahay, sidaasna qofna waxba kama ogaan karo qofka kale waxa aan ujeeda 2 telefoon ee wada hadlaaya midna waxba kama ogaan karo ka kale.hadaba farsamdan cusub si aad u furato waxa aad raacaysa talaaboyinkan

Faadiooyinka Gaarka ah ee Farsamadan.

waxa farsamadan ay kuu suuro galinaysa inad qariso ip address-kaga si qofka kula hadlaya aanu u ogaan halka aad joogto ama ip addresskaga waqtiga aad wada xidhiidhaysan.


waxa farsamadan ay xoojinaysa in aan la ogaanin halka ad joogto ama aan dabadal lagugu samayn karin marka aad whatsappka isticmaalayso ee callka ku jirto.

waxa farsamadan ay sii adkaynaysa amnigaaga whatsapp-ka sido kale waxa ay asturaysa ama qarinaysa waxyabaha khsuuusiyadada ah (privacy) ee kuu gaarka ah ee aadan rabin cidina inay kaa ogaato.

 

Talaaboyinka la raacayo

1.

Soo fur Appka WhatsApp ee telefoonkaga ku jira .

2.

Dooro 3 dhibcood ee isasaaran ee qaybta midig ee sare kaaga muuqanaya

3.

Dooro qaybta Settings.

4.

Waxa aad kasi doorata qaybta Privacy.

5.

hoos usoo dag ilaa aad ka arkayso Advanced section kadibna dooro.

6.

Kadibna dooro Protect IP address in calls.

7.

kadibna fur ama dooro on si aad farsamada uga shaqaysiiso


waad ku guulaysatay hadii aad talaaboyinka raacday inad farsamda cusub ka shaqaysiisay. hadii farsamadan kuu furan tahayna cidina ma ogaan karto halka aad joogto wakhtiga aad callka ku jirto, sido kelena cidina dabagal (tracking) kuguma samayn karto whatsapp-ka marka aad isticmaalayso.